Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka D/deegaanka oo lagu dilay Garoonka Jigjiga


Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya goordhow halkaasi lagu dilay Xildhibaan Juweyriya Subcis oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

Xildhibaannada u geeriyootay ka dib markii ay haleeshay rasaas uu riday askari booliska federaalka ka mid ah ee Itoobiya, xilli ay ku sugneed garoonka Diyaaradaha Magaalada Jigjiga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad kale oo shacab u badan in ay ku dhaawacmeen dhacdadan ka dhacay Garoonka.

Ma jiro war ilaa hadda ka soo baxay Booliiska iyo Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Comments